Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wiil 16 sano jir ah u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka degaanka Gamboole oo la sheegay inay noqon doonto degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Feysal C/llaahi Cumar oo wareysi siiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaa ka cudurdaartay xilkaasi , wuxuuna sheegay inuu dhigto Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Jowhar, kuna jiro fasalka afraad.
Wuxuu intaas ku daray inuu la yaabay xilka loo magacaabay, markii uu arkay warqad uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaga loogu magacaabay xilka Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee degmada Gamboole.
Feysal wuxuu ku dooday in markii hore loo sheegay inuu ka qeyb galayo seminaar, balsw ay markii danbe ay xaaladii noqotayin loo magacaabo xilka Guddoomiye kuxigeen degmo, wuxuuna caddeeyay inuusan xilkaas diyaar u ahayn xaaladda amniga darteed.
Degaanka Gamboole ayaa ah goob ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, waxayna 50 KM dhinaca Galbeed ka xigtaa magaalada Jowhar.
DHAGEYSO WIILKA