Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday degaanka Awdheegle habeenkii Talaadada ay qaadeen ciidamada gaarka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo loo yaqaan Kumaandooska DANAB.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkaasi ahaa mid lagu doonayay in lagu khaarijiyo xubnaha Alshabaab oo aanay jirin cid nolol lagu soo qabtay, xaaladda weerarka oo habeen ahaydna aan loogu talogelin in dad nool lagu soo qabto, wuxuuna xaqiijiyay in 12 Alshabaab iyo amiirkooda lagu khaarijiyay weerarkaasi.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo wareysi siiyay VOA-da ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay fuliyaan ciidamada Soomaalida.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA
Wadani.com