Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa been abuur ku tilmaamay eedeynta dowladda Kenya ku eedeysay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee ah inay Alshabab ka abaabusho weerarada ka dhaca dalka Kenya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inaysan Alshabaab ku baahneyn Xeryo Qaxooti, wuxuuna dowladda Kenya sheegay inay ujeedkoodu tahay inay cadaadis ku saarto dalalka reer Galbeedka si ay lacag uga hesho culeyska ay saareyso qaxootiga masaakiinta ah.
DHAGEYSO AFHAYEENKA ALSHABAB
Wadani.com