Kooxda Alshabab ayaa caddeysay mowqifkeeda ku saabsan dowladda cusub ee Soomaaliya kadib markii la doortay madaxweyne Maxamed C/llaaho Farmaajo.
Wuxuu sheegay ka hadlay doorashooyinkii horraantii bishan ka dhacay dalka ee uu kusoo baxay Muxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay inaysan waxba isu dhaamin kuwa gaalada u shaqeeya ee hadba mid la caleemo saarayo.
“Kalimadan waxaan fariin ugu direynaa culimada, guud ahaan dadka Soomaaliyeed, Waalidiinta ay ilmahoodu gaalada askar u noqdeen iyo nidaamka cusub ee ay gaaladu keensatay iyo gaalada soo dirsatayba” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Wuxuu intaas ku daray cid kastoo ay keenaan gaalada Xasan iyo Farmaajo inay isku mid u yihiin oo si la mida iyo ka darran ay ula dagaalmayaan. “Waxaan u sheegeynaa kooxda murtadiinta ah ee uu Farmaajo calanka u sida in aad mari doontaa wadadii ay mareen kuwii idinka horeeyey…” ayuuna yiri.
HOOS KA DHAGEYSO AFHAYEENKA ALSHABAAB