Afhayeenka Alsahabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay ka hortegayaan doorasho ka dhacda Soomaaliya sanadkan 2016, ayna diyaar u yihiin arrintaas, wuxuuna sheegay in weerarada ay ku hayaan goobaha dowladda la kordhiyay.
Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale ku tilmaamay Hoteelada Muqdisho inay noqdeen wasaaradaha dowladda Federaalka, ayna yihiin bar tilmaameed la beegsanayo, wuxuuna tusaale u soo qaatay Hotelka Jazeera ee Muqdisho oo ay degan yihiin diblomaasiyiin, ayna la mid yihiin Madaxtooyada loona weerari doonaan sida loo weeraro.
Wareysi uu siiyay Idaacadda Furqaan ee taageerta Alshabaab ayuu sheegay dhinaca kale Maamulka Gobolka Banaadir inuusan waxba ka qaban karin maamulka Gobolka Banadir isagoo ku tilmaamay arrinta ammaanka Muqdisho ee lagu wareejiyay gobolka Banaadir “Waan socon weynee aan orodno..”
DHAGEYSO WAREYSIGA
Wadani.com