Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay in Ahlu Suna-da gobolada dhexe ay taageero ka hesho dalka Iiraan isla markaana Soomaaliya ku faafiso mad-habta Shiicada ah.
Wasiirka warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Mesagowaay) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Ahlu suna-da xukunta Dhuusamareeb iyo Guriceel ay taageero buuxda ka helaan dowladda Iiraan isla markaana ay faafiyaan Mad-habkooda Shiicada ah oo ay doonayaan inay dalka ku fitneeyaan. Galmudug ayaa Ahluna suna ugu yeerta magaca “SUFA”
Lama oga sax ahaanshaha eedeynta ka soo yeeray Maamulka Galmudug waxaase hore u jirtay in Suufiyada magaalada Muqdisho ay xiriir weyn la yeesheen Iiraan gaar ahaan safaaradda Muqdisho.
DHAGEYSO WASIIRKA WARFAAFINTA GALMUDUG
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
https://soundcloud.com/goobjooge/wasiirka-warfaafinta-galmudug-iiraan-ayaa-taageerta-ahlu-suna