Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»DHAGEYSO-AKHRISO: Sidee u dhacay xukuntii lagu riday Eedeysanihii geystay dilka Wasiir Cabbaas

    DHAGEYSO-AKHRISO: Sidee u dhacay xukuntii lagu riday Eedeysanihii geystay dilka Wasiir Cabbaas

    June 19, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday askarigii ay ku caddaatay inuu geystaydilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiiirkii howlaha guud Soomaaliya.
    Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalbaka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda….

    Taariikhdu markay Ahayd 14/06/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay mar sedaxaad u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah ina Nadiifo Faarax Cabdi ku dhashay Galgaduud ka tirsan Ciidanka Bada XDS, Kaas oo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey dambiga ah dil bareer ah kadib markii uu 2(labo) xabadood ku riday gaari uu waday Marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud iyo dib u-dhiska Xukuumada Federaalka hal xabad oo ka mid ahna ay wejiga kaga dhacday marxuumka sidaasna uu ku geeriyooday. 03/05/2017 abaaro 19:00 habeenimo ,sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in Tr 28/04/2017 abaaro 15:00 galabnimo uu sameeyay isku day dil kadib markii asagoo saaran gaari qooqan ah uu ku qabtay qorigii uu watay taliyaha saldhiga X/jajab iyo askartii la socotay oo shaqo ka haayay isgoyska ceel-gaab sidaasna looga qaaday Eedaysanaha qorigii uu watay.

    DOOD DHEER KADDIB. 
    Maxkamaddu Markay Aragtay:- Eedii uu soo gudbiyey Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida oo ku Xusnayd Aayadda 178aad Suuratul AL- Baqara iyo Qod. 434 XCS.

    Markay Aragtay:- qoraalka eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu 2 xabad ku riday gaariga uu waday wasiir siraaji, sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in 28/06/2017 laga qaaday qoraygii uu ku qornaa kadib markii ay murmeen ciidankii ilaalinaayay Ceel-gaab.

    Markay Dhagaysatay: – Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda mid midna ay u waydiisay marag furkooda, waxay ka hor cadeeyeen garsoorka hortiisa in ay arkayeen eedaysane D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid) oo xabad ridaaya marki la joojiyay gaariga uu saarnaana uu isku dayay in uu baxsado sidaasna ay si qasab ah ugu xireen.

    Markay Aragtay:- Cadaymaha la horkeenay maxkamada horteeda oo ay ka mid yihiin Cadaymaha laga qoray markhaatiyaasha, sawirada laga qaaday baabuurta la isticmaalayay, cabirada laga sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, qoraygii loo adeegsaday dilka, warqada cadaynta dhimashada marxuumka, iyo warbixinta ay soo gudbiyeen waaxda baarista cilmiyaysan.

    Markay Dhagaysatay: – Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay eedaysanaha.

    Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in D/le X Axmad C/laahi Cabdi (Caydiid), uu yahay dembiile galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho ah, oo ah qisaasta marxuum Cabaas C/laahi Sh. Siraaji.

    Sidoo kale maxkamadu waxay Amraysaa in xabsiga laga siidaayo S/A/le Cusmaan Salaad Barre oo ka tirsan Ciidanka Asluubta soomaaliyeed, hadii aan loo haysan dambi kale.

    Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.

    http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2017/06/COD-MAXKAMADA.mp3

    Dil lagu xukumay Dilayaashii Wasiir Cabbaas Dilkii Wasiir Siraaji Top Wasiir Cabbaas Wasiir Cabbaas Siraaji
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGabar Muslim ah oo lagu afduubtay Mareykanka, kadibna la dilay [Sawirro]
    Next Article United Kingdom Announces new Humanitarian Assistance For Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo