Axmed Macalin Fiqi oo ka mida madaxda xisbiyada Siyaadda dalka ayaa kashifay howlaha dowladda Federaalka iyo kooxda Damjadiid
ay wadaan si ay u afduubtaan doorashada dalka, wuxuuna soo badhigay arrimo ay ka mid yihiin:
- Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku mashquulsan inay odayaal been abuur ah ka qortaan beelaha Soomaalida una sameyso kaarar aqoonsi si loogu musuqmaasuqo Doorashada.
- Xiligii ololaha doorashada la geli lahaa in la joojiyay shirarkii waxgaradka ku yeelan lahaayeen hoteelada Muqdisho.
- Inay musharax yihiin madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Axmed Fiqi wuxuu ka digay in dalkan ay kooxda Damjadiid u wado kacdoon iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku kacaan oo talada ka tuuraan, wuxuuna ku eedeeyay ujeedka dowladda inuu yahay haddii aanay dib u soo noqoneyn in dalkan ka dhaco meel xun.
DHAGEYSO CODKA AXMED FIQI
Wadani.com