Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa difaacay soona dhoweeyay heshiiskii ay Kismaayo ku gaareen siyaasiyiinta beesha Sade iyo Axmed Madoobe oo ka kooban 10 qodob.
Heshiiska oo ahaa mid Beesha Mareexaan loogu ogolaaday dhowr arrimood oo Beesha dacwad ka qabtay sida Degmonimada Buurdhuubo iyo awood qeybsiga maamulka Jubba.
Axmed Madoobe ayaa ku dooday in heshiiska uu la gaaray Beesha Sade uusan ahayn mid beeleed ee laga hadlayay dan guud, waxa laga doodayna ay ahayd in cadaalada iyo dib u heshiisiin loo dhan yahay la helo.
DHAGEYSO AXMED MADOOBE
Wadani.com