Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa galabta gelinkii danbe si degdeg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado isagoo ka hadlay duqeyntii lagu laayay ciidamo ka tirsan Galmudug.
Wuxuu sheegay inuu arrinta dhacday kala hadlay ciddii ay quseysay rajo fiicana uu ka qabo in xal loo helo, wuxuuna dadka ugu baaqay inay is dejiyaan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa farriin u diray Maamulka Puntland isagoo sheegay in nabadda ay Galmudug oo kaliya wado, isla markaana diideen inay nabadii iyo heshiiskii Gaalkacyo la dhaqan geliyo.
Wadani.com