Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay xabad joojin laga gaaray dagaalkii Gaalkacyo.
Isagoo ka warbixiyay shir khadka telefoonka ku dhex maray madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Ergeyga Q/Midoobay iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya looga dooday xaaladda Gaalkacyo, taasoo keentay in taliyeyaasha labada ciidan khadka la soo geliyo.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in loo baahan yahay wadahadal laga yeesho xal u helidda arrinta Gaalkacyo oo dhinacooda ay diyaar u yihiin balse laga waayay dhinaca Puntland.
DHAGEYSO C/KARIIB GUULEED
Wadani.com