Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Siyaasiga kasoo jeeda Waqooyi Bari Kenya Faarax Macalin Dawaare madaxa maamul Goboleedyada Soomaaliya ku tilmaamay dembiilayaal.
Wuxuu cambaareeyay shir ay iskugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedyadda ee ka dhacaya magaaladda kismaayo, isagoo sheegay in shirkaasi yahay mid caqabad ku ah hormarka dalka Soomaliya.
“Waxyaabaha caqliga diideyso oo maskaxda aan galaynin oo dunida inteeda kale aan lagu dhawaaqi karin, laakiin Soomaalida caado ka noqotay Nin jaajuus ah oo khaa’inul wadan ah oo lasoo taagan oo ku leh meeshaas baan wax marinayaa… Soomaliya waxaa lagu soo duulay 1977-dii, taasi waxaa fududeysay sirtii Soomaliya oo cadowga loo gacan galiyay”, ayuu yiri Siyaasiga Faarax Macalin.
“Maamul goboleedyadu waa dambiilayaal, Carabtu waa gun aan sharaf aqoonin, Soomaaliya waxey u baahan tahay Siyaad Barre oo kale, Colaadda Soomaliya waxay ka socotaa Khaliijka Carabta”.ayuu mar kale yiri Faarax Macalin.