Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo maanta Muqdisho lagu soo dhoweeyay ayaa baaq u diray shacabka Muqdisho.
Wuxuu u mahadceliyay madaxdii iyo shacabkii ku soo dhoweeyay Muqdisho,. “Tan iyo intii la ii magacaabay waxaan la ii soo dirayay hambalyo, taageero, dhiirigelin iyo tallooyin wax ku ool ah oo ii muujiyay horumarka lala jecel yahay Muqdisho..” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Wuxuu kaloo u mahad celiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo uu sheegay inuu shaqo fiican qabtay. “Waxaan ka codsanayaa shacabka inay muujiyaan deganaan, aadna u feejignaadaan, waxaan kaloo ka codsanayaa in qof waliba mas’uuliyadda qeybtiisa ka qaato..” ayuu yiri Guddoomiye Taabit oo dadka ka codsaday wadashaqeyn.
“Anigu mas’uuliyadda i saaran waan aaminsanahay dadka aan metelayo, lakiin inaad aniga i aamintaan ficilkeyga ayaad ka arki doontaan..” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo shaaciyay in qorshihiisa uu saldhig u noqon doono xaqsoor.
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHAÂ G/BANAADIR