Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»DHAGEYSO: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka digay in midnimada Soomaaliya halis ku jirto

    DHAGEYSO: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka digay in midnimada Soomaaliya halis ku jirto

    October 27, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi, kuwaasoo uu tilmaamay in aan laga qeyb gelin taladii dalka.

    Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin iyo dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegay in sida ay hada wax u socdaan ay horseedi karto midnimadii oo la wiiqo.

    “Soomaalida dhulkeeda, goboladeeda iyo dadkeeda waa la yaqaan, Soomaalinimada iyo midnimada waxay ku jireysaa markii gobol walba ama cid walba ay talada ka qeyb gasho, hadii cid talada laga reebo, ama gobol ama degmo laga reebo oo aan lagu darin talada, macnaheeda waxa weeye Soomaalinimadii iyo midnimadii dalka ayaa la wiiqay”ayuu yiri Avv. Ilka-Xanaf oo sheegay in cabasho uga timid dadka ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

    “Waxay dadku ka cabanayaan oo ay isugu yimaadeen oo aniga cabasho igu timid waxa weeye goboladii waqooyi ee qeyb ka mid ahaa dalkan Soomaaliya ayaa taladii waxba ku jirin, dadkii degmooyinka ama tuulooyinka matalayay ayaa talada laga reebay, hadii marka hore waqooyi ka nimid oo talo soomaali u nimid, waa midnimadii Soomaaliyeed iyo is raacii wiiqaya inaan ka hortagno, taas weeye tan qof walba u yimid”ayuu mar kale yiri Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.

    Avv. Ilka-Xanaf ayaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Taladda Dalka laga qeeb galiyo dadka Soomaaliyed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka ,taa hadii la waayana waxa uu ka digay Midnimadda Soomaaliya in la weyn karo.

    Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee dalka ayaa sidoo kale sheegay hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland, isla markaana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.

    Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sii hadlayay ayaa yiri “Hadii laga tago oo la reebo oon waxba nagala weydiin ama taladeeda nagala reebo waxa weeye waa qatar, xumaan iyo midnimadii oo kala go’eyso oo la horseedo waa arkeynay waxyaabo badan oo maalmahan soo baxayay dad midnimada iyo jiritaanka dalka Soomaaliyeed wax yeelaya, waxyaabahaas ka hortageeda weeye ujeedada aan halkan u nimid”

    Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada waqooyi ayaa xilal isugu jira Xildhibaano, wasiiro iyo xilal kale ka haya dowladda Federaalka, inkastoo Somaliland ay sheegtay inay dadkaas matalin, isla markaana tahay dal gooni uga go’ay Soomaaliya inteeda kale, balse aan wali helin aqoonsi caalami.

    Shirkii Wada tashiga ee looga hadlayay doorashada 2016 ee todobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa warmurtiyeedkii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in dadka ka soo jeeda Gobollada waqooyi ee Somaliland laga qeyb geliyo wada tashiyada.

    DHAGEYSO WARKA ILKA XANAF

    http://hagenews.com/wp-content/uploads/2015/10/WAR-MAXAMUD-CISMAN-ILKA-XANAF.mp3

    Wadani.com

    Ceydiid Ilkaxanaf Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Wareegtadii xil ka qaadista Muungaab, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir
    Next Article Daawo: Heesta Galmudug ee Farxiyo Kabayare & Dalmaryare

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo