Waxaa sii kordhaya xujeyda Soomaalida ay ee ku dhintay shilkii is-buurashada ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Mina ee ku dhow magaalada Maka. Xaaji Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Soomaalida ku sugan xajka ayaa VOA u sheegay in la xaqiijiyey in toddobo Soomaali ay ku dhinteen.
Afar xaaji ayaa ah Soomaalida Kenya, halka saddexda kalena ka yimaadeen degaanada Soomaaliya, Waxaana sii kordhaya tirada meydadka
Xaajiyo Xalwo Maxamed Jaamac oo ka soo xajisay degmada Buuhoodle ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay shilkii shalay, waxaa kaloo dadka dhintay ka mida haweeney ka timid magaalada Nairobi. Dhaawaca Soomaalida ayaan weli la xaqiijin oo ka badan ilaa 7 kale.
Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wadaa inuu shaaciyo tirada rasmig ah ee xujeyda geeriyootay iyo dalalka ay kasoo kala jeedaan:
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]