Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay inay shahiidnimo ku dhinteen askartii ka tirsaneyd ciidamada nabadsugidda Qaranka ee hor istaagay qaraxyadii SYL iyo Beerta Nabadda, wuxuuna sheegay in gudanayeen waajibaad Qaran.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Dugsiga sare ee Booliska oo looga hadlayay sugidda ammaanka Muqdisho ayaa mid mid u akhriyay magacyada askarii ku geeriyootay weerarkii Hotel SYL wuxuuna ku amaaanay inay naftooda u hureen difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Dhageyso Codka Madaxweynaha
Wadani.com