Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad u jeediyay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Isagoo tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu sheegay in ciidamada xoogga ay degaano dhowr ah ka saareen Alshabaab ayna baacsanayaan xilligan iyadoo roob ku dul da’ayo, taasina ay tahay wadaniyadda runta ah.
“Waxaan idin sheegayaa wax noo haray ma jiraan, dagaalkii waa socdaa, fadhi ma yaallo, cid Soomaaliya u maqan oo aan idinka ahayn ma jirto..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu isaguna horkacayo ciidamada, wuxuuna intaas ku daray inuu aaminsan yahay in laga guuleysanayo Alshabaab.
DHAGEYSO