Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib uga gurtay dagaalkii uu dhowaan ku dhawaaqay inuu dalku ku jiro.
Isagoo ka hadlayay sanadguuradii 57-aad ee asaaska ciidamada xoogga dalka ayuu sheegay inuusan dagaal iclaamin balse uu sheegay inuu dalku dagaal ku jiro.
“Aniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaan u diyaar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsan lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka go’an iyadoo dagaal ku jirta in ay dhaqaalaha kobciso, shaqo abuur sameyso, dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Siyaasiyiin iyo xildhibaano badan ayaa dhaliilay dagaalkii uu madaxweynaha ku dhawaaqay Khamiistii 6-da April, isagoo markaas ku lebistay dareyska ciidamada.
Wadani.com