Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shaaciyay qorshaha uu doonayo inuu dalka uga horeeyo kooxda Alshabaab.Isagoo ka hadlayay munaasabadii xuska maalinta xoogga dalka Soomaaliyeed ee maanta ayuu sheegay in qaabkii Muqdisho looga xoreeyay Alshabaab sanadkii 2011 ay fulin doonaan dalka oo dhanna uga xoreyn doonaan kooxda Alshabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid ugu yeeray intii khubdbadda waday saraakiishii xiligii uu ra’iisal wasaaraha ahaa 2011 la soo shaqeeyay, wuxuuna meesha ka xusay saraakiishii geeriyootay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu ballan qaaday in ciidamada ay si joogto ah u heli doonaan mushaarkooda, isla markaana lacag $50 ah oo laga jari jiray dib loogu soo celiyay.
DHAGEYSO