Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ee xiligii dowladii rayidka ahayd Marxuum C/risaq Xaaji Xuseen ayaa ka sii digay nidaamka federaalka ee Soomaaliya inuu yahay nidaam waxba u soo kordhiyneyn Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dowlad dhexe ay jirto.
“Nidaamka federaalka wax weyn oo uu soo kordhinayo dadka ma jirto, niman qabqableyaal ah ayaa doonaya inay ku qabsadaan awoodda gobolada dalka” ayuu yiri C/risaaq Xaaji Xuseen oo wareysi siiyay VOA-da sanadkii 2011, waana xusuus muujineysa aragtida dheer ee marxuumka allaha u naxariistee.
Wadani.com