Wakiilka urur gobleedka IGAD Maxamed Cabdi Afey ayaa ka hadlay waxa ka soo bixi doona shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamulada ee Muqdisho ka furmi doona Axadda berito, wuxuuuna sheegay in shirkaasi lagu ogaan doono fekerka ay qabaan madaxda Soomaalida sidii dalka doorasho uga dhici lahayd iyo qaabka loo marayo.
Mudane Afey oo wareysi siiyay BBC-da laanta afsoomaaliga ayaa cambaareeyay dagaalkii ka dhacay gobolada dhexe ee Ahlu suna iyo Galmudug dhex maray, isagoo sheegay inaan xilligan loo baahneyn dhiig kale oo la daadiyo.
DHAGEYSO CODKA MAXAMED CABDI AFEY
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]