Musharax u taagnaa xilka madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay inuu ka baxay musharaxnimadii, wuxuuna kashifay arrimo badan oo sir ah, kuwaasoo ka socda magaalada Jowhar.
Musharax Cali Xasan Taakow ayaa ku eedeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamuud inay lacago fara badan keeneen magaalada Jowhar oo loo soo dhiiba
y xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka isla markaana ay iyagu ciddii ay rabaan xil u magacaabayaan.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayuu Musharaxan ka baxay tartanka wuxuu sheegay in beesha Shiidle ay shirka isaga baxday oo iyado xildhibaanadeeda bannaanka taagan yihiin Guddoomiye Baarlamaan la doortay.
“Waxaa jira liis Xasan Sheekh ka soo qoray Madaxtooyada, kuwaasoo dad gaar ah oo Musharaxiin lagu wato oo la leeyahay hebel haku soo baxo Guddoomiyaha Baarlamaanka, hebel haku soo baxo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, waxaa marka go’aan ku qaadanay in gebi ahaanba aan shirka ka baxno” Musharax Cali Xasan Taakow.