Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay dhaliilaha loo jeediyo xukuumaddiisa isagoo fariin wuxuu u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah.
Wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo dhaliilaha loo jeedinayo oo haddii aanay dhaliil jirin aanay shaqadooda meesha ay hadda joogto ka wanaagsanaan karin, ayna diyaar u yihiin in la dhaliilo, la tilmaamo, lana toosiyo.
“Dhaliishu maaha inay ahaanto mid ah dan shaqsi, ay qof dan gaara ku raadsanayo inuu dhaliilo nidaamka. inaan ad-adagnahay waa dhab, waxaan ku adagnahay waa ilaalinta sharafta Soomaaliyeed..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo telefishanka dowladda wareysi siiyay.
Dhageyso