Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday Baarar caan ah.
Wuxuu sheegay in markii qaraxu dhacay uu qof waliba telefoon diray, wuxuuna ku cannaantay madaxdii la joogtay iyo shacabka Soomaaliyeed inay aqbaleen in qaraxyo ay ka dhacaan caasimadda.
“Halkan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in u qarax dhacay, qof walbo oo idinka idiinka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad soomaaliyeed ay wax ku noqdeen…” ayuu yirin Xasan Cali Khayre oo sheegay inaysan suuragal ahayn in ammaanka laga sugo xukuumadda ama Baarlamaanka.
DHAGEYSO