Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna musharax madaxweyne ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaaliya.
Kadib markii uu maanta dib ugu soo laabtay dalka, ayuu sheegay in xaaladda dalka ay tahay mid adag oo qof waliba uga baahan inuu u istaago sidii uu wax uga qaban lahaa.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay filayeen isbedel weyn oo ku dhaca dhinaca waliba, laakiin taasi dhici weyday, wuxuuna si toos ah u weeraray dowladda xiligeedu dhammaaday.
Wuxuu sheegay in dhaqaalaha ay ku takri fashay dowladda Xasan Sheekh, shacabkuna ay dhuunta u qabteen, isla markaana in ciidamada Qaranka si ku talagal ah in loo kala daadiyay.
“Waxaa jirta maahmaah carabtu tiraahdo: Erygaada gaajeysii haku raacee… waxana aaminsahayay afartii sano ee la soo dhaafay in siyaasadeedu sidaas ku dhisneyd… Dowladan waxay ku caan baxday gaboodfal inay sameyso…” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wadani.com