Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa si weyn u canbaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee qasaaraha badan ka geystay magaalada Muqdisho.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishjo ayuu sheegay in wixii ka dhacay Muqdisho aanu xitaa caqli jirran keeni karin inuu ku kaco, wuxuuna ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka danbeysay oo ay fulisay qaraxa.
Wuxuu farriin u diray dhalinyarada Shabaabka ah ee loo adeegsado qaraxyada inay towbad keenaan oo ka baxaan umadda ay leynayaan oo adduun iyo aakhiro ay ku qasaarayaan, wuxuuna ugu baaqay inay ka baxaan ururkaasi.
DHAGEYSO SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW