Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa qirtay inuu keligiis ku haray mucaaradnimada maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee la baxay Hirshabeelle.
Ugaaska oo muddo maalmo ah kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 8 Ugaas oo magaalada Beledweyne ku sugneyd ay ku biireen shirka Jowhar, keligiisna uu kusoo baray magaalada, wuxuuna is-weydiiyay cidda ka dambeysay arritan.
Ugaas Xasan ayaa weli ku taagan diidmadii maamulka Hirshabeelle wuxuuna mucaaraday magaca maamulka loo bixiyay ee Hirshabeelle, wuxuuse ku adkeystay in maamul loo dhisayo Hiiraan.
DHAGEYSO UGAAS XASAN
Wadani.com