Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in qaadista canshuurta iibka ee alaabooyinka jumlada ah ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo dhismaha kalsoonida lagu qabo dawladda.
Wasiir Beyle ayaa caddeeyay in dawladdu ay ka shaqeynayso midaynta guud ahaan canshuuraha dalka, shirar arrintaas khuseeyana ay socdaan. Wuxuuna intaas ku daray in lacagta laga doonayo ganacsatada ay tahay waajib dowli ah oo ku qoran sharciyada waddanka.
Wuxuu ka hadlay shuruudaha loo dhigay Soomaaliya inay kasoo baxdo waajibaadkeeda saaran gudaha iyo dibedda sida inay bixiso mushaharaadka iyo inay sidoo kale guddo qaanta lagu leeyahay.
Waxa uu sheegay in bixinta canshuurta la’aanteed aysan dawladda Soomaaliya awoodi doonin inay iska bixiso kharashaadka ku baxa maamulka hawlaha dawladda. Waxaa sidoo kale uu wasiirku ka hadlay halka ay marayaan lacigihii ay dawladdu horey u sheegtay inay soo daabacayso.
Canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay dawladda ayaa waxaa ka ka horyimid Ganacsatada Muqdisho oo ku dooday inay badan tahay, waxayna ganacsatadu sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray goobihii ganacsiga labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA