Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Maxamed Maxamuud Guure ayaa beeniyay in ilaaladiisaay weerar ku qaadeen xarunta doorashada magaalada Cadaado.
Wasiirka oo lagu eedeeyay in ilaaladiisaay weerareen xarunta doorasahda ayaa sheegay in warkaasi uu yahay been abuur, isagoo sheegay in nabadoonkiisa laga qaaday markii uu isku dayay inuu arrintaasi ka hadlana isagii xoriyadda laga qaaday oo lagu xadgudbay, iyadoo loo adeegsaday ciidamada nabadsugidda.
DHAGEYSO CODKA WASIIRKA
Wasiir Guure ayaa ka mida musharixiinta aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana magaalada Cadaado ka socda olole doorasho la isu adeegsanayo awood iyo handadaaad, taasoo keentay inuu dib u dhac badan ku yimaado doorashada.
Wadani.com