Laba dhakhtar oo ka mida shaqaalaha Cusbitaalka Dr. Adna Aadan ee magaalada Hargeysa ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho, dibna loogu celiyey caasimada Somaliland.
Dhaqaatiirtan ayaa ku dhoofayey Baasaboorka Somaliland, kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana haweeneyda Adna Adan oo kusoo dhoweysay Garoonka Hargeysa ay sheegtay in lagu qafaashay Muqdisho oo laga jeexjeexay Baasabooradii ay wateen, markii 3 maalmood la heystayna lagu soo celiyey Hargeysa.
Dr. Adna Aadan ayaa si kulul u weerartay maamulka Garoonka Muqdisho, iyadoo sheegtay inay sharci darro tahay in dad transit ku maraya la dhibaateeyo, taasina ay u geysay aqoon la’aan sharciyada adduunka.
“Waa Shaqaalihii caafimaadka ee lagu qafaashay Xamar, Soomaaliya, Passport Somailand ayey ku dhoofayeen, waxaana u saarnaa vissa Kenya, transit ayey ku ahaayeen Muqdisho.. sharciga adduunka waa in dadka transit ah aan lama dhibaateyn, dhibna loo geysan.. Maxay sharci ka yaqaanaan, waa sidii Goofkii looga keenay.. Garoon waa loo dhisay, laakiin aqoontii ayaa laga iloobay..” ayey tiri Dr. Adna Aaden oo si kulul uga hadashay arrintan Muqdisho ku qabsatay shaqaalaha ka tirsanaa Isbitaalkeeda.
Ma jiro war kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo maamulka Garoonka Muqdisho oo eedeynta loo jeediyay ku saabsan.
