Dhalinyarro kasoo jeeda Somaliland ayaa maanta bannaanbax ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, kadibna u bedelay bannaanbax nooc cusub oo ay warbaahinta u qabteen, iyagoo ugu baaqay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday inuu ka baxo Villa Somalia.
Dhalinyarradan oo ka koobnaa ilaa shan ayaa muujiyey tallaabo aan hore loo arag, waxayna saxaafadda la wadaageen in ciidamada Amniga ee ku sugnaa Daljirka ay si xun ula dhaqmeen, iyagoo doonayey inay fikirkooda si xor ah u soo bandhigaan.
“Sharci kuma fadhidid, haddii aan dalka lagaa qabana waxaa soo socda hooggii 30 sanno ka hor dhacay mid lamid ah.. Kuraasta Somaliland maaha Farmaajooy wax aad jeebka ku ridan kartid. Fadlan nasoo dhaaf, Mahdi Guled iyo qolyaha na metela waxaan leenahay niman cidla laga keenay ma tihidin e, kuraasteena ha ka dhiganina wax aad maalin ku qadaysaan..” ayuu yiri mid ka mida Dhalinyarradan kasoo jeeda Somaliland oo si weyn u dhaliilay Madaxweynaha waqtigiisi dhamaaday ee Farmaajo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxay ku eedeeyeen Farmaajo inuu kuraasta xildhibaannada Somaliland ku heysto afduub isagoo aan ogoleyn inay madaxda Somaliland ka muuqato shirarka go’aanka looga gaarayo arrimaha Soomaaliya.
