Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dhalinyaro kasoo jeeda Puntland laga afduubtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Dableyda afduubka geysatay ayaa la sheegay inay beegsadaan dhalinyarradan oo kasoo jeeda Puntland, kuwaasoo tiradoodu gaareyso saddex qof, waxayna kala baxeen iyagoo u kaxeysay dhinaca degaanada Galmudug.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in afduubka ka dhacay Koofurta Gaalkacyo uu salka ku hayo dhalinyaro kasoo jeeda degaanada Galmudug oo ku xiran xabsiga Garowe, kuwaasoo loo heysto Burcad badeednimo.
Waxa socda dadaal arrintan loogu jiro in xal loogu helo, waxaana xilligan ku sugan magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo mas’uuliyiin kale.