Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dhalinyaro ka tegay magaalada Muqdisho oo safar ku jiray lagu dilay Gobolka Galgaduud.
Dilka dhalinyarradan oo laba qof ahaa ayaa waxaa geystay dabley qaab beeleed u abaabulan oo kala degay Gaari ay la socddeen oo kusii jeeday degmada Caabudwaaq iyo Ballanballe, iyagoo ka ategay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Falkan dilka ah iyo dhalinyaradda safarka ahaa ee Gaariga lagala degay ayaa ka dhcay degaanka Balli-howd, wuxuuna naxdin weyn ka abuuray degmada Caabudwaaq ee ay ku socdeen, waxaana wararku sheegayaan in dilkooda ay ka dambeeyeen maleeshiyo beeleed ujeedkoodu ahaa aano qabiil.
Waxaa in muddo ah degaankaasi ka taagnaa dagaalo qabiil iyo aargoosi u dhaxeeya maleeshiyooyinka beelaha ee degaanka, halkaasoo dad badan hore loogu dilay oo ay ku jiraan saraakiil iyo ciidamo.
