Dhallinyaro Soomaali Mareykanka ah oo horay isku dayay inay ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay maleegayeen shirqoolo dil ah.
Xeer Ilaaliyaha Minnesota ayaa shalay ku dhawaaqay in koox dhalinyaro Somali Mareykan ah oo gaaraya sagaal ruux horay lagu soo eedeeyay inay doonayeen inay u safraan bariga Dhexe, si ay ugu biiraan ISIS.
Dacwada shanta ruux ayaa bilaaban doonta bisha Febraayo, waxaana magacyadooda lagu sheegay Guled Omar, Hamza Ahmed, Adnan, Mohamed Farah, iyo Abdirahman Daud kuwaasi oo Xabsi ku sii jiri doona.
Qareenada u doodaya raggaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha cusub ee lagu soo oogay, Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ah meesha ugu badan ay ku nool yihiin Bulshada Soomaaliyeed marka loo fiiriyo Mareynkanka intiisa kale.
Wadani.com