Meydadka laba dhalinyaro ah oo la sheegay in xalay la dilay ayaa saaka lagu arkay xaafadda Carwo Idko ee degmada Wardhiigley, magaalada Muqdisho.
Dilka dhalinyaradan ayaa dadka degaanka ay sheegeen inay geysteen Koox hubeysan xalay, kadibna ay halkaasi meydadkooda dhigeen, waxaana jirkooda ka muuqday rasaas lagu dilay iyo dhiig ka baxay.
Ma cadda sababta loo dilay iyo cidda dilka dhalinyaradan ka danbeysay, waxaana goobta gaaray ciidamada Amniga oo meydadka qaaday, lana geeyay xarunta CID-da si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Dilal khaarijin ah iyo qaraxyo Miino ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, iyadoo shalay oo kaliya Muqdisho lagu dilay ilaa 7 qof oo askar iyo dad shacab ah isugu jira.
