Dhaqtar caan ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa xaqiijiyey in daawada loo adeegsan jiray cudurka Malaariyadda uu si weyn ugu fiican yahay, laguna daweyn karo cudurka COVID-19 ee Coronavirus uu keeno.
Dhaqtarkan oo lagu magacaabo Didier Raoult ( M.D/Ph.D) oo si weyn looga qadariyo dalkaasi ayaa sheegay in dadkii uu soo ritay cudurka COVID-19 oo lagu daweeyay isku darka labada kaniini ee Hydroxychloroquine iyo Azithromycin ay ka bogsadeen cudurka lix maalmood kadibna laga waayey, wuxuuna natiijada ku tilmaamay inay tahay 100%.
Labadan Kaniini oo muddo dheer lagu daweyneyay cudurka Malaariyada ayaa hadda laga isticmaalaa dalalka China iy South Korea si loogula dagaalamo cudurka Coronavirus, waxaana qaatay dalal badan oo tijaabo ku sameeyay, isla markaana ay u caddaatay inay dawo u yihiin dadka qaba cudurka Coronavirus.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa labadan daawo magacaabay isagoo sheegay inay kacaan cusub ku sameynayaan dagaalka lagula jiro cudurka COVID-19 ee uu keeno Corona-virus.
Dhaqaatiir kale ayaa sheegay in labadan kaniini ee Hydroxychloroquine iyo Azithromycin aysan gaarsiisney 100% balse ilaa 80% lagu daweyn karo dadka qaba Coronavirus.

Tallaal loo helo cudurkan ayaa tijaabo ku jira dalalka China, Germany, Russia iyo Mareykanka, laakiin Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO ayaa caddeysay in ugu yaraan muddo sanad ah u baahan yahay tallaal kasta oo cudurkan lagula tacaalayo.