Waxaa saaka magaalada Nairobi ku geeriyooday Allaha u naxariistee Dr. Axmed Maxamed Xasan (Foodcadde) oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaalida kuwii ugu magaca weynaa.
Axmed Foodcadde wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1938-dii. Inta la ogyahay mar wuxuu ahaa dhakhtarka kaliya ee ku takhasusay wadnaha ee Soomaaliya. Muddo dheerna wuxuu ahaa dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Lixdameeyadii wuxuu noqday guddoomiyihii Bisha cas ee Soomaaliya oo uu ku muteysatay abaalmarinno badan sida mid caalami ah oo oo ay siisay Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICRC.
Boqorada Britain Quin Elizabeth ayaa guddoonsisay abaalmarintaas billadda ahayd oo bisha cas ee Soomaaliya ay ku muteysatay shaqadii bani-aadminimo.