Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, July 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo la ogaaday inuu $320 milyan Dollar ku iibsaday Guriga ugu qaalisan Dunida [Daawo]

    Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo la ogaaday inuu $320 milyan Dollar ku iibsaday Guriga ugu qaalisan Dunida [Daawo]

    December 19, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa noqday ninka magaciisa la qariyay ee iibsaday guriga ugu qaalisan dunida ee ku yaalla Faransiiska, sida uu daabacay wargeyska The New York Times.

    Wargeyska ayaa sheegay in warqadda kala iibsiga gurigaasi uu ka muuqdo dhaxal sugaha boqortooda oo dhowr shirkadood u maray arrinta. Qasriga oo ku dhow Versailles, wuxuu leeyahay Goob lagu caweeyo, Shineemo, Jidad yaryar oo qoyan iyo biyo hoose oo kalluun uu ku nool yahay, goobo lagu dabaasho 10 qol oo nooca hurdada ah iyo barxad weyn, wuxuuna ka mid yahay goobaha ugu qurxoon dunida.

    Qiimaha guriga wuxuu ahaa $320 milyan oo dollar. Wargeyska dhaqaalaha ka hadla ee Fortune ayaa sheegay in qasriga uu yahay kii ugu qaalisanaa caalamka. Magaca qofka iibsaday guriga lama garaneyn xilligii hore, guriga ayaa loogu magac daray  Chateau Louis XIV .

    Laakiin The New York Times ayaa ku warrantay in warqadaha ay muujinayaan in guriga ay iibsatay shirkad uu maamulo Amiir Maxamed bin Salmaan oo qeyb ka ah hay’addiisa u gaarka ah. Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in ay ka hadasho arrintan.

    Haweeney u hadashay safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa weriyayaasha The New York Times ku eedeysay “baahinta war aan dhexdhexaad ahayn oo ay dano gaar ah ka leeyihiin”.

    Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Amiir Maxamed wuxuu hoggaaminayay olole aan horey loo arak oo ka dhan ah musuqa, si xun u adeegsiga awoodda, iyo arrimo kale.

    Wuxuu xiray tobannaan qof oo caan ka ah Sacuudiga, sida amiirro, wasiirro iyo taajiriin, lagu xiray qasriga qaaliga ah ee ku yaalla Riyaadh ee loo yaqaano Ritz-Carlton.

    Bartamihii 2015, Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa la sheegay in uu $590 milyan oo dollar ku iibsaday Doon Qasri ah oo uu lahaa ganacsade u dhashay Ruushka.

    Wargeyska The New York Times ayaa sidoo kale sheegay in qofka dhabta ah ee iibsaday sawirka farshaxanka ee Leonardo da Vinci ee uu sameeyay Salvator Mundi, uu yahay Amiir Maxamed bin Salmaan.

    Wuxuu ku bixiyay lacagtii ugu badnayd oo gaareysa $450 milyan oo dollar. Waxaana sawirkaasi lagu soo bandhigi doonaa magaalada Abu Dhabi.

    Markii hore waxaa loo maleynayay in uu iibsaday amiir kale oo la qariyay magaciisa, balse wargeyska wuxuu sheegayaa in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu yahay ninka laga iibiyay sawirkaasi farshaxanka ah.

    Lacagaha uu Maxamed Bin Salmaan ku bixiyay Doon kuwa raaxad ah, Guri iyo Loox farshaxan ayaa marka la isku daro gaareysa lacag ku dhow 1.5 Bilyan, xilli uu shaaciyay inuu la dagaalamayo musuq.

    Chateau Louis XIV King Salman Mohamed Bin Salman Sacuudiga Saudi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Shirka Wasiirka Maaliyadda & Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada oo Kismaayo ka furmay
    Next Article XOG: Xildhibaanno loo ogolaaday oo la kulmay Siyaasiga xiran ee C/raxmaan C/shakuur [Maxay ku soo arkeen..?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo