Maamulaha rasmig ah ee boqortooyada Sacuudiga ahna dhaxal-sugaha Mohamed Bin Salman ayaa xabsiga dhigay saddex Amiir oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaasi, ahna kuwa ugu sareeyay qoyska ka taliya dalkaasi.
Saddexda Amiir ee uu amray in la xiro ayaa kala ah: Axmed Bin C/casiis oo ah adeerkiis, lana dhashay Boqor Salmaan Bin C/casiis, Dhaxal-sugihii hore ee Boqortooyada ahaana wasiirkii arrimaha gudaha ee hore Maxamed Bin Nayef, iyo Amiir Nawaf bin Nayef oo la dhashay dhaxal-sugaha hore.
Labada Amiir oo midna uu yahay Adeerkiis, midka kalena ay ilmo-adeer yihiin oo isaga xilka looga qaaday ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen khiyaano qaran, iyadoo warkan ay faafiyeen labada wargeys ee Mareykanka ugu waaweyn ee Wall Street Journal iyo New York Times; iyadoo aysan ka hadlin warbaahinta Sacuudiga.
Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa la sheegay inuu adkeysanayo xukunka Sacuudiga, isagoo iska fogeynaya dadka ay suuragalka tahay inay halis geliyaan xukunkiisa, wuxuuna hore ugu eedeysnaa inuu mas’uul ka ahaa sidii arxandarada ahayd ee loo dilay wariye Jamal Khashiggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkey.
Sidoo kale, waxaa uu ka danbeeyey xarigga boqolaal qof oo ka tirsan qoyska reer boqor, ganacsato iyo wasiiro sanadkii 2017-kii lagu xiray hotelka Ritz Carlton ee ku yaalla magaalada Riyad ee caasimadda dalkaasi.