Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda dad dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Gaadiid galbineysay madaxweyne Farmaajo.
Taliyaha howlgalinta ururka Lixdanaad ee ciidamada ilaaliya Madaxtooyada ayaa faahfaahin sheegay in shilka dhacay oo Gaari miino baarista milateriga ka mida uu ku dhintay marxuum Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.
G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaasheegay in si xun wax looga sheegay arrintaasi oo la buunbuuniyay, wuxuuna intaasi ku daray in marxuumka ehelkiisa iyo madaxweynaha ay kulmeen, isla markaana haweeneydii ku dhaawacantay shilka ee Faaduma Sahra ay xaaladeeda gacanta ku heyso madaxtooyada.
Wuxuu intaas ku daray in in sarkaalka waday gaariga shilka oo magaciisa ay ku sheegaan Cabdishakuur ay gacanta ku hayaan, lana marsiin dono sharciga. Isla markaana ay been abuur tahay in dadka shilkaasi wax ku noqday ay dayacday madaxweynaha.
DHAGEYSO