Thursday, May 15, 2025

Dhibanayaasha siyaasadeed ee Muqdisho: Xubno 5 maalmood magacawnaa & xaaladooda (WARBIXIN CAJIIB AH)

Waxaa sii kordhaya dhibanayaasha siyaasadeed ee ay saameynta ku yeelatay isbedelka dhismaha xukuumadaha uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo maraya xukuumadii labaad markii uu dib ula noqday 20-wasiir oo uu magacaabay 27-kii Janaayo.

Xukuumadii ka koobneyd lixdanka xubnood ee la dhisay 12-kii janaayo waxaa ku jiray 30  xubnood oo cusub qaarkoodna ay dalkaba ku sugneyd oo degdeg u yimid Muqdisho magacaabidoodii kadib. Xukuukadan waxaa la kala diray 17-kii Janaayo markii ay magacawneyd 5 maalmood oo qura.

Golaha wasiirada oo dhan

Ad

Xukuumaddii labaad ee 20-ka wasiir oo iyana la magacaabay 27-kii Janaayo waxay gebi ahaanteed ahayd wejiyo cusub oo isugu jira kuwo hore xilal u soo qabtay iyo qaar ku cusub oo aan xil dowladeed soo marin. Xukuumada labaad ee Cumar C/rashiid waxaa dib loola noqday 31-kii Janaayo iyadoo 5 beri oo kaliya jirtay.

Marka la isku daro dadka magacaaabid liiskoodu kusoo baxay xukuumadihii shanta maalmood magacawnaa ee Muqdisho u yimid inay qabtaan xilalka loo magacaabay waxay gaarayaan in ka badan 35 xubnood oo intooda badan  aan hadda wax rajo ah lahayn ama ay aad u yar tahay sida ay uga mid noqon karaan golaha wasiirada ee hadda dabka saaran.

[ad name=”HTML-2″]

- Advertisement -

Xubnahan waxay qaarkood ka yimaadeen Yurub iyo Mareykanka, waxayna degan yihiin ilaa iminka  Hoteelo Muqdisho ku yaala, inkastoo ay quus ku dhow yihiin waxaa intaas u dheer inaysan heysan wax damaanad ah oo la iska iloobay.

Qaarkood waxay ka soo tageen shaqooyin ay hayeen iyo dano kale oo ay ku jireen, waxayna rajo ka qabeen inay qabtaan xilal wasiirnimo, wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle, waxayse qarka u saaran yihiin in deyn loo qabsado.

Qaarkood waxay ku qasbanaadeen inay loolan u galaan jago hore loogu magacaabay sidii ay dib ugu hanan lahaayeen, laakiin waxaa niyad xumo ku keentay 20-kii wasiir ee dib laga magacaabay oo meesha ka saaray dhammaan wasiiradii hore loo magacaabay, marka laba reebo tiro aad u yar (2 xubnood).

Dhibanayaashaas siyaasadda cakiran loogu tacadiyay waxay xaalad murugo leh ku heystaa magaalada Muqdisho, waxaana laga dareemayaa hoteelada waaweyn ee siyaasiyiintu isugu tagaan, iyadoo farta lagu fiiqayo inay ku soo dhex dhaceen khilaaf siyaasadeed; waxaase nasiiib darro ah inaysan jirin cid u og dhibaatada intaas la eg.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka sokow dhismaha xukuumad dadkoo dhan qancisa waxaa kaloo xalin uga baahan xaaladda xubnaha ku jiray liisaskii hore ee Golaha wasiirada ku magacaabay sidaas darteedna Muqdisho u yimid kuna cadiban, intooda aan soo gelin xukuumada mustaqbalka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON