Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta hortegaya Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo horgeynaya Guddiga ugu muhiimsan dowladda hadda talada heysa oo ah Guddiga La-dagaalkanka Musuqmaasuqa.
Hindise sharciyeedka la-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay hore u ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaalya Bishii Novembar 2017-kii ayaan weli la horgeyn Aqalka Sare, waxaana wasiirka Cadaaladda ka hor akhrin doonaa xildhibaannada Aqalka sare.
Waxaa lagu wadaa in Senatoorada Aqalka Sare ka doodan kadibna ansixiyaan Guddigan oo si weyn loo wada sugayo shaqadooda, iyadoo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ay marar badan ku celceliyeen inay la dagaalamayaa musuqa.