Waxaa dhisme lagu bilaabay Dhul caan ah oo Dan guud ahaa magaalada Muqdisho, kasoo uu si musuqmaasuq ah iibsaday maamulka Gobolka Banaadir.
Dhulkan oo ah halkii la oran jiray Suuqii Ceel-garweyne ee degmada Howlwadaag oo lagu iibin jiray Ariga, markii dambena ahaa barxad lagu ciyaaro Kubadda Cagta ayaa maalmahan waxaa ka socda shaqo weyn oo lagu doonayo in lagu wareejiyo Derbi, iyadoo laga iibiyey shirkad ganacsi iyo shaqsiyaad.
Waxaa dhulkan iibsaday maamulkii G/Banaadir ee uu madaxda ka ahaa Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuuna ka mid ahaa Dhulal Dan guud ah oo si musuq ah loo iibsaday, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Dhulkan qeybta ugu muhiimsan ay iibsaday shirkadda Dahabshiil.
Dadka degaanka ayaa ka codsanaya in arrintan wax laga qabto oo dhulkaasi dib loogu soo celiyo dantii guud, iyadoo uu yahay hanti qaran oo dad gaara loo gacan geliyey, waxaase dadka xog ogoaalka ah ay ka cabsi qabaan in dhowr gacmood ay isu bedeleen.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo hore u balanqaaday inay ka hortegayaan musuq iyo hantida guud ee la lunsanayo ayaa laga sugayaa inay arrintan soo farageliyaan, halka maamulka G/Banaadir ee xilligan loo diray farriinta hoose.
HOOS KA AKHRISO FARRIINTA WERIYE C/llaahi Xasan Baliil
ENG YARIISOW HALA GAARSIIYO ARINKAN:
Waxaa saaka soo maray barxadii suuqa ariga ee degmada Howl wadaag ama suuqii ceel garwayne oo ka kooban in ka badan 15 boos oo banaan taasi oo xoolihii ariga lagu iibin jiray loo wareejiyay Dayniile balse dhalinyarada xaafada ayaa kubad ku dheeli jiray balse hada gacmo ganacsato dhiig miiratao ah ayaa iibsatay.
Waxaa lagu bilaabay dhisme dhagax ah waxaana ka shaqeenaya shaqaale badan oo darbi kusoo wareejiyay waxaana iibsaday sida aan maqlay shirkad ganacsi xilligii uu guddoomiyaha ahaa Madaale balse hada qabasho ayay leedahay.
Guddoomiyaha gobolka Eng. Yariisow waxaan kaa codsaneenaa hadii aan nahay dhalintii degnada Howl wadaag in aad noo cadayso hadii aad arinkan wax ka ogtahay oo dhulkii danta guud oo la dhisanaayo raali ku tahay ama umada la wadaagto xaalku meesha uu maraayo.