Dowladda Soomaaliya ayaa dib ula soo noqotay dhismihii Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Rome, dalka Talyaaniga kadib dacwad lagu oogay shirkad laga kireeyay oo dooneysay inay dayactir ku sameyso kadibna adeegsato. Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa u xukuntay safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi in si rasmi ah loogu wareejiyo.
Safiirka Soomaaliya eu fadhiya Talyaaniga Jen. Muuse Xasan ayaa VOA u sheegay in Safaradda ay gacantooda soo gashay, markii ay kireeyeen sida uu sheegay safiiradii isaga ka horeeyay oo dacwad ay la galeen shirkad gacanta ku heysay, wuxuuse sheegay in dhismaha safaaradda oo aad u burbursan u baahan yahay in dayactir weyn lagu sameeyo.
Safiirka wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay dhismaha safaarada gacan ka geysato, wuxuuna ka deyriyay xaalada dhismaha ku sugan yahay, inkastoo uu sheegay inay guul weyn u tahay safaaradda iyo umadda Soomaaliyeed inay la soo noqdaan dhismihii safaarada.

Kireynta Safaaradda ayaa waxaa ku dhaqaaqay safiirkii hore ee Talyaaniga u joogay Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) xiligii kumeelgaarka, isagoo markaas ku dooday in safaaaradda ay qarka u saarneyd inay dunto dowladda Soomaaliyana aysan awood u lahayn inay dhisto, markaasina ay qarka u saarneyd inay la wareegto dowladda dalkaasi, sidaasina ay u kireeyeen si loo badbaadiyo.
Arrinta kireynta safaaradda Soomaalida ee Roma ku taala waxay keentay qeylo dhaan siyaasadeed oo soo gaaray ilaa xiligii ay wasiirka arrimaha dibadda dalka ka ahayd Fowsiyo Xaaji Aadan oo lafteeda arrintan difaacday marna ka gaabsatay. Safiir Nuur Cadde ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay ogtahay, kana war qabto heshiiska shirkad lagu wareejiyay dhismaha safaaradda oo uu caddeeyay inuu ahaa meel ay dad qaxooti ah degan yihiin.
Lama oga heshiiskii hore loo galay ee shirkadda lagu wareejiyay halka uu baxay, iyadoo aan wax dib u dhis ah lagu sameyn, mana cadda qaabka uu hadda ugu wareegayo dowladda Soomaaliya.
Haddaba aan dib u jaleecno sidee loo kireeyay dhismaha safaaradda Soomaalida ee magaalada Roma, qoraalka hoose
HOOS KA DAAWO NUUR CADDE OO KA HADLAYA ARRINTAN, WAXAA WAREYSTAY WERIYE MAXAMED ROBERTO OO UNIVERSAL U JOOGA ROMA
Safiir Nuur Cadde wuxuu xilligaasi sharxay qaabka Shirkadda loogu wareejiyay, isagoo sheegay inay codsadeen in loo dhiso kadibna ay isticmaali doonto oo kadib ay usoo wareegi doonto. Wuxuu si kulul u beeniyay eedeynta loo jeediyay in lacagta uu qaadayo safiirka.
[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=uOgi9_6FbAM”]
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]