Dhoolsatuskii ugu weynaa musharaxnimada Xasan Sheekh ayaa hadda ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanada taageersan ay isu soo baxeen.
Xildhibaano fara badan ayaa isugu tegay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo taageersan dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.
Musharaxa ayaa la sheegay inuu hadda gaaray hotelka oo musharixiinta uu la hadli doono, waxaana goobta ku sugan xildhibaano la sheegay inay gaarayaan 200, inkastoo aanay jirin cid xaqiijisay.
Dhoolatuskan ayaa imaanaya iyadoo ay saacado kooban ka hartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo berito ka dhici doona magaalada Muqdisho
Faafhaahinta la soco….