Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dib iyo Dheef sanad kadib Dowlada Madaxweyne Farmajo! [Maqaal xasaasi ah]

    Dib iyo Dheef sanad kadib Dowlada Madaxweyne Farmajo! [Maqaal xasaasi ah]

    February 12, 20187 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa sanadkii tagey ee horaantii bishii February 8, 2017 Soomaaliya ka dhacay isbadal, isbadalkaas waxaa hormuud ka ahaa xildhibaanada Dowlada aFederalka ah ee Soomaaliya, tartan adag oo ay galeen musharaxiin kor udhaafaya 20 ayey kasoo xusheen Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo oo si aqlabiyadleh uga guuleystey X. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo heleyna 184 cod.

    Xaflad aad loo soo agaasimey oo kadhacydey Villa Somalia ayaa waxaa xilka kula wareegey Madaxweyne Farmajo taariikhdu markey ahayd 16 Feb 2017, waxaa xafladaas kasoo qeyb galay dowlado farabadan oo ay ugu horeeyaan wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

    Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida ayaa aad usoo dhoweeyey doorashada Madax weyne Farmajo, waxaa dal iyo dibadba isqabsadey isu soo baxyo iyo xaflado lagusoo dhoweynayo madaxweynaha cusub, waxaa dal iyo dibadba caan ka noqotey oraahdii “AR FARMAJO II GEEYA” oo Cabdulahi Maxamud Cismaan uu alifey taasoo baraha bulshada la isla dhexmarey muddo badan aakhirkiina ajaanib ay isticmaaleen sida link hoose ka kamuuqda.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu Ra’iisul wasare usoo xushey Mudane Xassan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 23 Feb 2017 oo isaguna wuxuu soo dhisey xukuumad aad loo soo wada dhoweeyey taarikhd 21 March 2017 taasoo kor usii qaadey rajadii ummada Soomaaliyeed.

    Muddada yar ee ay jirtey Dowlada Ra’iisul wasare Kheyre ayaa waxaa dhacdey 3 May 2017 in afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya lagu diley Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN marxuum Cabbaas Shiikh Cabdulahi Siraaji oo ahaa wiil dhalinyar, firfircoon aqoontiisuna aad usareyso, wakhtigaas Madaxweyne Farmajo wuxuu booqasho ku joogey dalka Itoobiya walow madaxweynuhu uu soo gaabiyey safarkiisii.

    Madaxweyne Farmajo ayaa digreeto Madaxweyne wuxuu ku magacaabay Agaasimaha Madaxtoyada Soomaaliya taariikhdu markey ahayd  31 May 2017, waxana loo magacaabey Fahad Yaasiin oo ah aqoon yahan doorweyn kulaha guushii Madaxweyne Farmajo .

    Guulihii Dowladu Gaartey 2017

    • 8 February 2017 waxaa Madaxweyne loo doortey Maxamed Cabdulahi Farmajo
    • 23 February 2017 waxaa R’iisul wasaare loo magacaabey Xasan Cali Kheyre
    • 21 March 2017 Waxaa ladhisey goloha wasiirada Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya taasoo aad loosoo wada dhoweeyey marka laga reebo shakhsiyaad iska dhexwaayay liiska.
    • 1 April 2017 Xildhibaanada aqalka hoose ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre
    • 10 May 2017 Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada London ee Caasimadda Britain kaasoo qodobo muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo saarey.
    • 29 March Waxaa la furey duulimaadyadii sida toos ka ah isaga kala gooshi jirey Muqdisho – Nairobi
    • 7 June 2017 Waxay dowladu door dhexdhexaad ah ka qaadatey khilaafkii soo kala dhex galay dowlaada Khaliijka taasoo xurguf siyaasadeed ka dhex abuurtey gudaha Soomaaliya
    • 13 August 2017 Waxaa gacanta Dowlada soo galay  Afhayeenkii hore ee ururka Alshaab Sh. Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.
    • 20 Aug 2017 go’aan ka qaadashadii daminta xasaradihii ka aloosnaa Mamulka Hirshabelle taasoo aakhirkiina loo dhisey maamul goboleed fadhiya
    • 30 Sept 2017 waxaa ladaah furey Saldhiga Turkigu ka hirgaliyey magalada Muqdisho kaasoo lagu tababari doono ciidanka xooga dalka Soomaaliya
    • 12 Oct 2017 Waxaa Dowlada Federaalku ku guuleysatey daminta xiisadii siyaasadeed ee soo kala dhexgashey maamul goboleedyada iyo Dowlada federalka ah .
    • 5 Nov 2017 waxaa shir 10 cisho ka socdey villa Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho kaasoo qodobo muhiim ah looga hadley balse aan wax xal ah looga gaarin arintii Khaliijka.
    • 6 Dec 2017 Hirgalinta hishiiskii maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna ee gobolada dhexe
    • 7 ilaa 24 January 2017 Maxadweyne Farmajo wuxuu safar kukala bixiyey gobolada dalka gaar ahaan Puntland iyo Galmudug isagoo soo dhagax dhigey mashaariic farabadan, sidoo kalana kaqeyb galay wada hadaladii udhexeeyey Galmudug iyo Ehlu Sunna ee ka dhacay caasumadda Maamalka Galmudug ee Dhuusomareeb gobolka Galgaduud.
    • Dowladu waxay ku guuleysatay in ay si nadaamsan ay u bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada oo xuquuqdooda helay xiligii loogu tala galay.

    Caqabadihii ka horyimid Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya 2017

    • 3 May 2017 waxaa xilli habeyn ah lagu diley afaafka hore ee madaxtoyada Soomaaliya wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN Marxuum Cabaas SH. Cabdulahi Siraaji waxaana diley askari ka tirsan ilaalada Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
    • 14 August 2017 waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobe kadhacay qaraxii lagu hobtey ee dadbadan oo rayid ah ku dhinteen.
    • 16 August 2017 Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood ayaa si adag uga horyimid go’aankii dowlada federalka ah ay ka qaadatey dhexdhexaadnimada xasaradihi ka aloosnaa wadamada Khaliijka Carabta.
    • 25 August 2017 Ciidamo Mareykan ah iyo Kuwa Soomaaliya ayaa weerar ka fuliyey deegaanka Bariire waxaana ku dhintey 10 qof, taasoo dhalisey xiisad dowladu kala kulantey siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaankaas.
    • 29 August 2017 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugacan galisey Dowlada Itoobiya Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax taasoo dowladu ku kasbatey dhaleeceyn badan oo uga timid Shacabka, Siyaasiyiinta dowlada Mucaarad ku ahiyo mu’ayidba iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.
    • 26 Sept 2017 Waxaa Dowlada lagu eedeeyey qalalaase siyaasadeed ee kadhex qarxey maamulka Galmudug
    • 11 Oct 2017 waxaa shir lagusoo gabagabeeyey magaalada Kismayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland lagu sheegey Isbahaysi ka dhan ah dowlada Federalka ah ee Soomaaliya kaasoo walaac weyn uu ka dhashey.
    • 12 October 217 Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Taliyihii Ciidanka Xooga dalka ayaa iscasiley habacsanaan xaga amniga ah awgeed, maalmo yar kadibna waxaaba dhacay musiibadii qaraxii isgoyska ZOOBE.
    • 29 October 2017 Wasiirada Xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa xilalkii ka xayuubisey Agaasimihii Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbololshe iyo Taliyihii Booliska Soomaaliyeed  Cabdikariin Daahir Saacid
    • 15 November 2017 Waxaa xilkii wasiirnimo iska casishey Dr.Maryan Qaasin oo ahayd Wasiirada Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka
    • 14 December 2017 Qarax xoogan ayaa kadhaxay xerada tababarka ee jeneral Kaahiyo ciidanka oo saf kujira.
    • 17 December 2017 Waxaa goor habeyn ah laweerarey guriga siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur taasoo dowladu kala kulantey dhaleeceyn iyo mucaaradad adag.
    • 30 December 2017 Ciidamo hubeysan ayaa gudaha ugalay guriga Senetor Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid falkaaso oo dowladu uga jawaabey xarig loogeystey ciidankii iyo taliyihii watey.

    Safaradii uu dalka uga Baxay Madaxweyne Farmajo Sanadkii uu Xilka hayay.

    TiroDalkuu UsafreyTaariikhda SafarkaTaariikhda Soo noqoshadaInta maalmood uu ku maqnaa
    1Sucuudiga23 Feb 201726 Feb 20173 Maalmood
    2Kenya22 March 201724 March 20172 Maalmood
    3Urdun29 March 201731 March 20172 Maalmood
    4Imaaraadka10 April 201713 April 20173 Maalmood
    5Turkiga26 April 201729 April 20173 Maalmood
    6Ethiopia3 May 20174 May 20172 Maalmood
    7London Uk10 May 201711 May 20172 Maalmood
    8Sucuudiga21 May 201722 May 20172 Maalmood
    9Jabuuti23 May 201724 May 20172 Maalmood
    10Qadar25 May 201726 May 20172 Maalmood
    11Uganda21 June 201723 June 20172 Maalmood
    12Masar20 Aug 201723 Aug 20173 Maalmood
    13Sucuudiga26 Aug 201728 Aug 20172 Maalmood
    14Sudan5 Oct 20177 Oct 20173 Maalmood
    15Uganda22 Oct 201723 Oct 20172 Maalmood
    16Ethiopia23 Oct 201724 Oct 20172 Maalmood
    17Jabuti24 Oct 201725 Oct 20172 Maalmood
    18Imaaraadka19 Nov 201721 Nov 20173 Maalmood
    19Kenya28 Nov 201730 Nov 20172 Maalmood
    20Senegal30 Nov 20172 Dec 20173 Maalmood
    21Masar7 Dec 201710 Dec 20174 Maalmood
    22Turki11 Dec 201712 Dec 20172 Maalmood
    23Ethiopia27 Dec 201730 Dec 20174 Maalmood
    ISUGEYN SAFARKII SANAD KADIB EE MADAXWEYNE FARMAJO  8 Feb 2017- 8- Feb 201858 Maalmood

    Isugey waxan oran karnaa 2 bilood oo dhiman 2 maalin, ama bil iyo 28 cisho.

    F.G. Safaradaas madaxweynuhu dalka uga baxay inteedo badan waxay ahaayeen kuwo aan laga fursan karin oo xaaladaha markaas jirey aan looga maarmi kareyn sida taageero uraadintii qaraxii Zoobe, mushkiladihii Khaliijka, Shirkii London, ka qeybgalkii caleemo saarkii madaxweynaha Kenya iyo Uganda IWM.

    Gabagabo

    Sidaan lawada socono taariikhda dalkeena iyo dowladnimadiisa intii ka dambeysey burburkii iyo qaran jabkii Soomaaliyeed waxay noqotey Dowlada loogu taageero badan yahay shacab ahaan dal/dibad iyo siyaasad ahaan, waxay kasbatey quluubtii shacabka iy dowladaha deeq bixiyayaasha ah, waxaa yaraadey isqabqabsigii udhexeeyey madaxda Dowlada, waxaa soo ifbaxay humaag iyo ifafaale taabogal lagu tilmaami karo lana aamini karo.

    Afeef:- Waxaan ka cudurdaaranaa  wixii khalad ah ee iga dhacay oo ku talo gal aanan u qorin, wixii aan saxayna allah ayaa igaradsiiyey.

    W/Q: Maxamed Siciid Qodobey

    8da Febraayo Farmaajo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Maaliyadda oo Ganacsatada Muqdisho ugu yeeray inay bixiyaan Canshuurta Dowladda
    Next Article Meydka wiil yar oo lala baxay Qeyb jirkiisa oo laga helay Duleedka magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo