Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u dhigtay socdaal u qorsheysnaa inuu maanta ugu dhoofo dalka Sweden isagoo Muqdisho ku sugnaan lahaa wax ka yar 24 saacadood. haddii safarkaasi dhici lahaa.
Lama shaacin sababta hakisay socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid rasmi ah kadib markii uu casuumaad ka helay dowladda Sweden, waxaana lagu waday inuu halkaasi sidoo kale kula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka mida kuwa ugu tirada badan dalalka Yurub.
Xaaladdo amaandarro oo ka sii daraya xilligan kala guurka ah iyo arrimo kale oo xasaasi ah kana dhex jira dowlada dhexdeeda ayaa la filayaa inay sababeen dib u dhaca socdaalka Madaxweynaha oo xubno ku dhow xafiiskiisa ay xaqiijiyaan inuu dhici doono maalmo gudahood.
Wadani.com