Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Guddiga Madaxa banaaan ee dib u eegista Dastuurka.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar gelin lahaa dib u habeynta Dastuurka oo shaqadii laga rabay aan weli guda gelin isla markaana dib u dhac weyn ka muuqdo, waxaana warbixin ku sabasan habka loo marayo dib u eegista dastuurka ka jeediyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odowaa).
Guddiga ayaa sidoo kale soo bandhigay qaabka ay doonayana inay u bilaabaan dib u habeynta dastuurka ilaa laga gaaro in loo qaado afti dadweyne. Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa guddiga la wadaagay qodob la doonayo in dib loo eego oo asaasiga ah.
Wasiiirka Dastuurka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa dhinaciisa kulanka ka sheegay in wadatashiga uu horudhac u yahay bilowga hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya. wuxuuna wasiirku sheegay in lagu dhamaystiro dib u eegista Dastuurka bisha December ee sanadkan 2015, iyadoo la horgeynayo Barlamaanka Bisha March ee sanadka 2016 si kadib loogu gudbo afti dadweyne in loo diyaariyo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]