Diblomaasi iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa kula taliyay madaxweyne Farmaajo inuu saddex arrimood ku dhaqaaqo socdaalkiisa uu dhowaan ku tegi doono dalka Itoobiya.
Abuukar Arman oo ah aqoonyahan ka faallooda siyaasadda iyo diblomaasi hore u soo noqday ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Mareykanka ayaa madaxweyne Farmaajo u diray waano ku saabsan socdaalkiisa Itoobiya.
Saddex qodob ayuu ku soo koobay talada uu siiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi  Farmaajo, kuwaasoo kala ah:
1- inuu isla maalintaas kasoo laanto Itoobiya [oo aanay maalmo qaaday socdaalkiisa].
2 -Inuusan yeelin in la geeyo Killilka 5aad ee Soomaalida Itoobiya
3 – Iyo inuu xasuusiyo in Soomaali ka maaranto  Itoobiya
Abuukar Arman ayaa hore madaxweyne Farmaajo ugula taliyay inuu ka laabto magacaabista uu Ra’iisal wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre.
Wadani.com