Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliya ayaa shaacisay in Lix diblomaasi Soomaali ah ayaa u dhoofeen Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga si ay uga qeybgalaan tababar la xiriira qaanuunka diblomaasiyadda iyo qunsuliyadda.
Tababarkan ayaa socon doona muddo hal todobaad ah, waxaana bixinaya Machadka Amiir Sacuud Al-feysal ee Daraasaadka Diblomaasiyadda. Tababarkan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee dalka aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ku deeqo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2012.